Waxaa Maanta Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG-ga Galmudug dib ugu soo laabtay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin xuseen Guuleed oo maalmihii dambe ku sugnaa Magaalada addis Ababa ee Xarunta Dalka Ethopia
Madaxweyne C/kariin xuseen Guuleed ayaa dalka Ethopia kula Kulmay intii uu ku sugnaa Madaxda dalka Ethopia isagoona kala Hadlay xoojinta xiriirka u dhaxeeya Maamulka Galmudug iyo dowlada Ethopia iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirkaas,
Markuu soo gaaray Magaalada Cadaado ee Galgaduud ayuu saxaafada kula Hadlay Garoonka diyaaradaha Magaalada cadaado isagoona saxaafada u sheegay in guul uu kusoo dhamaaday safarkii uu dhawaan ku Tagay Magaalada addis ababa ee xarunta dalka Ethopia.

