Xidigii Hore ee kooxda Chelsea iyo xulka dalka Talyaaniga Gianfranco Zola ayaa aaminsan in uu dib u heli doono tayadiisa laacibka garabka ee kooxda Chelsea Eden Hazard’
Laacibka heerka caalami ee xulka dalka Belgium-ka Eden Hazard’ ayay Tayadiisa Hoos u dhacday xili ciyaareedkaan xili kooxda Chelsea ay Fadhiso kaalinta 16-aad ee kala sareynta Horyaalka dalka Ingiriiska.
Eden Hazard’s ayaa xili ciyaareedkii aynu soo dhaafnay ku guuleystay xidiga ugu wanaagsan Horyaalka dalka Ingiriiska PFA Player of the Year award kadib markii uu gacanta u galiyay macalin Jose Morinho hanashada Horyaalka dalka Ingiriiska

