Madaxweynaha Soomaliya Mudane xasan sheikh Maxamuud oo ka qeyb Galay shirka Shirka Madasha ganacsiga Caalamiga 2015 (Global Business Forum 2015) oo maanta ka Furmay Magaalada Dubai ee isu-taga imaaraadka Carabta ayaa ka warbixiyay Fursada Maalgashi ee xiligaan ka jira dalka soomaliya.
Mudane Xasan sheikh Maxamuud Madaxweynaha Soomaliya ayaa sheegay in soomaliya ay kasoo kabsanayso Burburkii dhanka ganacsiga ku dhacay sanadihii dambe iyadoona haatan ay ka jiraan ganacsiyo waa weyn oo mudo ka Hor aan ka jirin Soomaliya,
Sidoo kale Madaxweynaha soomaliya Mudane xasan sheikh Maxamuud ayaa wadamada caalamka iyo shirkada caalamiga ah ee shirka kasoo ka qeyb galay u sheegay in soomaliya ay xiligaan ka jirto nabad meeshana laga saaray kooxaha dowlada kasoo Horjeeda sida al-shabaab isagoona u sheegay in xiligaan soomaliya laga hiirgelin karo maalgashi nooc kasta leh,
Dhanka kale waxaa shirka ka qeyb Galay qudbadna ka jeediyay Madaxweynaha Ruwanga Paul Kagame isagoona ka Hadlay sida Afrika diyaar ugu tahay maalgashi ay ku sameeyaan shirkado iyo dalalba.
Shirka loogu Hadlaayo Madasha ganacsiga Caalamiga 2015 ayaa la filayaa in Maalinta bari ah Lagu soo gaba-gabeeyo Magaalada Dubai ee wadanka isu-taga Imaaraadka Carabta.





