Wariye Yoonis Cali Nuur oo kamid ah wariyaasha ugu caansan Soomaliya oo haatan ku sugan Magaalada Hargeysa ee caasimada soomaliya ayaa ka sheekeeyay Taariikhda uu leeyahay ala ha u naxariistee Wariye Axmed Xasan Cawke
Yoonis Cali Nuur waxa uu sheegay in Axmed Xasan Cawke ay kasoo wada shaqeeyeen idaacado badan sida Radio Muqdisho, Tv-ga Qaranka soomali, Bbc-da isagoona sidoo kale sheegay in wariye Cawke uu ahaa mid inta badan dadka ka Farxiya.
Halkaan ka dhageyso Codka Wariye Yoonis Cali Nuur
Sidoo kale wariyaashii ka Hadlay geerida ku Timid wariye axmad xasan Cawke waxaa ka mid ah wariyaha Bbc-da ee Magaalada Hargeysa ee Axmed Saciid Cige oo la Hadlay idaacada simba ayaa ku Tilmaamay Wariye Cawke mid kamid ah wariyaashii ugu wanaagsan uu la shaqeeyo intuu ku dhax jirey xirfada warinimada.
Halkaan ka dhageyso codka axmed Saciid Cige

