Amisom oo Cambaareesay Dilkii Magaalada Baledweyne loogu Geystay Madaxii Hay’ada Main Action

0

Howlgalka Midowga Afrika Amisom ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay dilkii Magaalada Beledweyne loogu geystay Madaxii Hay’ada Main action ee Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ururka Midowga Africa uu si kulul u cambaareenayo dilkii Magaalada Beledweyne loogu geystay Mahdi Xuseen  Macow oo  ahaa madaxii hay’adda miino-baarista Qaramada Midoobay ee Unmas, iyo madaxii xafiiska xiriirka bulshada

Howlgalka Midowga Afrika amisom ee Soomaaliya ayaa sidoo kale Tacsi u direy qoyskii uu ka geeriyooday Mudane Mahdi Xuseen  Macow oo dhawaan kooxo hubeysan ay ku dileen Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here