Madaxweynaha Puntland oo La Kulmay Saraakiil Ka Socotay Hay’adda Kaalmada Jarmalka ee GIZ

0

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa maanta Nov 16 2015 howgiisa ku qaabilay saraakiil kala duwan oo ka socday hay’adda kaalmada Jarmalka ee GIZ, hay’addaas oo Dawladda Puntland ka taageeraysa Mashruuca dayac tirka wadada laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Garowe iyo Galkacyo, saraakiishaas ayaa kala ah Christoph Schmidt iyo Mark Patrick Deasy.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas iyo saraakiisha hay’adda uu la kulmay ayaa wada qaatay shir muhiim ah kaasi oo socday mudo kooban, waxayna ka wada hadleen meesha uu marayo mashruuca lagu hagaajinayo jidka isku xira Garowe iyo Galkacyo.

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa in Mashruucaasi uu muhiimah weyn u leeyahay Dawladda Puntland, isla markaana uu si dhow ula socon doono fulinta mashruucaas isagoo ku adkeeyey Hay’adda Kaalmada Jarmalka ee GIZ in laga dhabeeyo waqtigii loogu tala galay higelinta mashruucaasi.

Saraakiisha Hay’adda Kaalmada Jarmalka ee GIZ  ayaa sheegay in mashruuca dayac tirka wadada laamiga ah ee isku xirta Garowe iyo Galkacyo ay bilaabi doonaan xilli dhow isla markaana intaa ku daray in isla bishan gudeheeda ay ka howl geli doonaan fulinta iyo dhamaystirka mashruucan oo dhowaan bilabmi doona.

IMG_7586 IMG_7597 IMG_7606 IMG_7613

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here