Dhageyso: Guddiyada Arimaha dibadda iyo kan Arimaha Gudaha Baarlamaanka oo Maanta Gudbinaya Qaraar ka dhan ah Kenya

0

Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya ayaa Maanta kulankooda caadiga ahaa waxa ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho iyadoona Gudoonka Baarlamanka soomaliya loo gudbin doono qaraar ka dhan ah Darbiga dowlada Kenya ay sheegtay in laga dhisi doono xuduudka soomaliya iyo wadanka Kenya ay wadaagaan.

Kulanka Maanta ayaa la sheegay in loogu doodi doono Labo ajendooyin oo kala ah ka doodista iibka qaranka, iyo qaraar ay xildhibaanada ay usoo Gudbiyeen Guddiyada Arimaha dibadda iyo kan Arimaha Gudaha Baarlamaanka Soomaaliya

Habdhowraha Baarlamanka Soomaliya xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo la Hadlay warbaahinta simba ayaa u sheegay in kulanka Maanta uu jiro ajendahana uu yahay labo qodob oo kala ah iibka qaranka, iyo qaraar ay xildhibaanada ay usoo Gudbiyeen Guddiyada Arimaha dibadda iyo kan Arimaha Gudaha

Wareysi Hab dhowraha baarlamanka kulanka maanta

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here