Macalinka xulka dalka England macalin Roy Hodgson ayaa ka cabsi qaba in uu helis Noqdo dhaawaca soo gaaray xidiga qadka dhexe ee kooxda Manchester United Michael Carrick intey socotay ciyaartii saaxibtinimo ee u dhaxaysay xulalka Spain iyo Engaland.
Kaptan ku xigeenka kooxda Manchester United Michael Carrick ayaa ciyaarta laga saaray qeybihii ugu dambeeyay kadib markii uu dhaawac soo gaaray laacibka,
Xulka dalka Ingiriiska ayaa Guuldaro kala Kulmay xulka dalka Spain ciyaar ka dhacday Garoonka Estadio Jose Rico Perez waxaana goolasha u dhaliyay xulka dalka Spain Mario Gaspar iyo Santi Cazorla

