Wararka saakay ka imaanaya meelo kamid ah Gobolka Mudug ayaa kusoo waramaya in dadkii ku nolaa deeganka ceel-huur ay saakay bilaabeen in ay ka barakacaan deeganka,
Dadka deeganka Ceel-huur ee Gobolka Mudug ayaa ka cabsi qaba in saameyn ay ku yeeshteen dagaal dhaxmara ciidamada Maamulka Galmudug iyo kuwa xarakada al-shabaab oo la sheegay in deeganka ay kusoo wajahan Yihiin,
Dhanka kale ciidamada Maamulka Galmudug ee ku sugan deeganka Ceel-huur ayaa saakay wada Howlgalo ciidan ay ugu diyaar garoobayaan dagaal ay deeganka kusoo qaadaan ciidamada xarakada al-shabaab oo la sheegay in ay ku sugan yihiin meel 8KM u jirta deeganka Ceel-Huur ee Gobolka Mudug.
Shalay ayay aheyd markii ciidamada Maamulka Galmudug iyo kuwa xarakada al-shabaab ay ku dagaalameen meelo kamid ah Gobolka Mudug ee bartahama dhulka soomaliya

