Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya oo Tababar U furtay Shaqaalaha Hay’adda CID-da.

0

Wasaaradda Caddaaladda Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta Magaalada Muqdisho waxaa ay tababar uga furtay Shaqaale ka tirsan hay’adda Dambi baarista ee CID-da.

Ismaaciil Jimcaale Calasoow oo ah Xog-hayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Caddaaladda Xukuumadda Soomaaliya oo Warbaahinta Kula hadlay Magaalad Muqdisho ayaa sheegay in tababarkaan uu muhiim u yahay Shaqaalaha Ka Shaqeeya Xarunta CID-da.

Waxaa uu sheegay in Shaqaaluhu ay hadda ku guda jiraan la macaamiltanka dadyoow kala duwan tababarkaanna uu yahay mid markaasi ka saacidaya sidii ay wax badan ula dhaqmi lahaayeen dadka ku jira xarunta dambi baarista ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu intaa ku daray in shaqaalaha ka shaqeeya hay’adda CID-da ay u bahanyihiin tababarro kala duwan si la dhaqanka dadka kala dhexeeya uu u wanaagsanaado.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here