Maxamed sheikh xaamud Taliyaha ciidamada Booliska soomaliyeed iyo wafdi uu Hogaaminaayo oo ku sugan Magaalada Khartoum ee wadanka suudan ayaa kormeero ku Tagay xuramaha Booliska dalka suudan isagoona dhigiisa dalka suudan ugu sheekeeyay xaalada Booliska soomaliyeed.
Jeneraal Maxamed sheikh xaamud Taliyaha ciidamada Booliska soomaliyeed ayaa sidoo kale kormeero ku Tagay xarumaha ciidamada Booliska dalka sida Xarunta Dambi Baarista Dalka Suudaan, Xarunta Tarafikada ee dalka Sudan.
Taliyaha ciidamada Booliska soomaliyeed ayaa la Filayaa in Maalmo kale uu sii joogo dalka sudan si uu heshiiyo ula soo Galo dhigiisa dalka Sudan oo ku aadan sidii loo Tayeen lahaa ciidamada Booliska soomaliyeed.








