Madaxweynaha kooxda Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa niyada u dajiyay Taageerayasha kooxda Barcelona isagoona u sheegay in Lionel Messi uu kusoo bilaaban doono kulanka Real Madrid iyo Barcelona ee dhacaya November 21.
Xidiga heerka caalami ee xulka dalka argentine Lionel Messi ayaa ku dhaawacmay kulan ay Barcelona la ciyaartay kooxda Las Palmas iyadoona kadib la shaaciyay in laacibka uu garoomada ka Maqnaan doono mudo 6-8 Todobaad,
Si Kastaba warar soo baxaya ayaa sheegaya in laacibka heerka caalami ee xulka dalka argentine Lionel Messi uusan ciyaari doonin kulanka weyn ee El-Clasico oo Maalmo kadib dhacaya.

