Dowladaha Soomaaliya iyo imaaratka oo Wada Saxiixday Hishiis isgaarsiinta ah

0

Wafdi balaaran oo uu hogaaminaayo wasiirka postayada iyo isgaarsiinta dowlada soomaaliya Guuled qaasim  ayaa booqasho ku gaaray magaalada dubai ee xarunta imaraatka carabta.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa booqday xarunta postada ee dowlada imaaraatka waxaana ay kala saxiixdeen hishiis lagu hormarinaayo isgaarsiinta dalka madaxdii uu halkaasi kula kulmay.

Guled Qaasim waxaa kaloo uu dubai kula kulmay qunsulka guud ee dowlada soomaaliya u jooga magalada dubai , Omar Abdulaiz .

Madaxda sarsare uu halkaasi  kula kulmay wasiirka boostada iyo isgaarsiinta dowlada soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa  Abdullah Alashram,  oo ah madaxa isgaarsiinta iyo boostada dalkaasi iyo Sultan Al Midfa oo ah madaxa hirgilinta adeega boostada dalka imaaratka carabta.

Hishiiska dhax maray wasaaradaha boostada iyo isgaarsiinta dalalka soomaaliya iyo imaaratka carabta ayaa waxaa uu daba socdaa hishiis horay u dhexmaray labada dal kaasi oo dhacay bishii april ee sanadkii 2013.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here