Dowlada soomaliya ayaa sheegtay in gacanta Lagu soo dhigay qaar kamid ah Ragii ka dambeeyay dilkii xildhibaan Maxamed axmed Gurxan oo Maanta Lagu aasay Magaalada Muqdisho.
Raisulwasaare ku-xigeenka dowlada soomaliya Maxamed cumar Carte Qaalib oo warbaahinta kula Hadlay goobtii Maanta Lagu aasay xildhibaanka ayaa sheegay in laamaha amaanka dalka ay gacanta ku soo dhigeen qaar kamid ah Ragii ka dambeeyay dilka xildhibaanka.
Maxamed cumar Carte Qaalib ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Kala duban ee dowlada soomaliya ay wadaan dadaalo lagu soo qabanaayo rag kale oo lagu Tuhmaayo dilka xildhibaan Maxamed axmed Gurxan
Dhanka kale Raisulwasaare ku-xigeenka dowlada soomaliya Maxamed cumar Carte Qaalib ayaa wariyaasha u sheegay in dowlada soomaliya ay gacanta kusoo dhigi doonto mar walba Raga caadeystay dilalka madaxda dowlada soomaliya.

