Barnaamijka cunada aduunka ee Qaramada Midoobe World Food Programme (WFP) ayaa dalbaday lacaga gaaraya 12 million oo dollarka Marekanka si loogu caawiyo dadka laga cabsi qabo in ay saameeso roobabka Elnino ee daadadka wata
Qaramada Midoobe ayaa dhawaan sheegtay in ay ka cabsi qabto dad u dhaxeeya 500,000-900,000 in ay saameen ku yeeshtaan roobabka Elnino ee daadadka wata oo laga cabsi qabo in koonfurta iyo Bartamaha soomaliya ay ku dhufataan.
Barnaamijka cunada aduunka ee qaramada Midoobe World Food Programme (WFP) ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan qalabo kala duban sida helicopter, iyo doomo si loogu caawiyo dadka ku nool koonfurta iyo Bartmaha ee wadanka soomaliya.

