Dagaalo ka Dhacay Tuulooyin Hoos Yimaada degmada Xudur ee Gobolka Bakool

0

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga africa ee  amisom oo dhinac ah iyo al-shabaab ayaa Maanta dhacay Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ku bilowday qaraxyo ay fuliyeen ciidamada al-shabaab waxaana xigay dagaal toos ah oo dhaxmaray ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee amisom oo horey ugu sugnaa deeganka Moora-gaabeey oo Hoos Taga degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Al-shabaab ayaa Barahooda Bulshada ku Baahiyay in ay guul ka gaareen dagaalkii Maanta ka dhacay deeganka Moora-gaabeey ee Hoos Yimaada degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Xiriiro aynu la sameeyay Maamulka degmada Xudur ee Gobalka bakool ayay ku beeniyeen wararka ku aadan in al-shabaab ay la wareegeen deegaano Hoos Yimaada Gobolka Bakool

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here