Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliyeed iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo Gaaray Magaalada Kismaayo + Sawiro

0

Wararka naga soo Gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Halkaa uu Goor dhaweyd uu Gaaray Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed  Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo uu wehliyo taliye ku-xigeenka ciidanka Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed iyo saraakiil kale

Waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada-Hoose ku soo dhaweeyay saraakiil ka Tirsan ciidamada Maamulka Juba-land iyo Madax Ka tirsan Maamulka juba-land iyo saaraakiil ka Tirsan ciidamada amisom Gaar taliska Booliska Gobolada Jubooyinka

Taliyaha ciidamada Booliska soomaliya Maxamed sheikh xasan xaamud ayaa gaadiidka  booliska ku wareejiyay Maamulka KMG ee Jubaland kuwasoo loogu Talagalay in ay adeegsadaan ciidamada Booliska Maamulka Juba-land gaar ahaan kuwa Booliska

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ee maamulka KMG ah ee Jubba Maxamed Warsame Faarax (Darwiish) oo lagu wareejiyay furayaasha gaadiidka booliska ah ayaa Taliska booliska uga mahadceliyay Qalabka ay Maanta soo Gaarsiiyeen ciidamada Booliska Maamulka Juba-land

Dhinaca kale Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Maxamed sheikh xasan Xaamud ayaa tababar u furay askar ka tirsan ciidanka booliska kuwasoo dhawaan lagu xareeyay Xeryaha ciidamada Maamulka Juba-land

Taliyaha ciidamada Booliska soomalyeed Maxamed shiikh xasan Xaamud  ayaa Maalmihii dambe safaro ku Tagay Meelo Kamid ah Gobolada dalka soomaliya

 

K2K3K4K5K6K7 K8K9K10K11K12K13K14K15

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here