Maamulka Degmada Ceelbuur ayaa ku Hanjabay in ay Weerar ku yihiin deegaanada ay Al-Shabaab ku Sugan Yihiin

0

Maamulka degmada Ceelbuur ee gobolka galgaduud ayaa sheegay inay saacadaha soo socoda ay alshabaab ka saari doonaan deegaanada ay kaga suganyihiin gobolka gal-gaduud gaar ahaan deegaanada dhaca bariga gobalka galgaduud

Ciidamada dowlada soomaaliya iyo kuwa wadanka itoobiya ayaa la sheegay in ay maanta qaadi doonaan howlgal balaaran oo ay ku la wareegayaan dhamaan bariga gobalka gal-gaduud oo hada qaar ka mid ah ay maamulaan xarakada al-shabaab

Gudoomiyaha degmada ceel-buur ee gobalka gal-gaduud  Nuur xasan guutaale oo la Hadlay warbaahinta simba ee magaalada muqdisho  ayaa sheegay in maamulka degmada ceel-buur iyo saraakiisha ciidamada xooga  iyo ciidamada  Itoobiya ay go’an tahay in ay gaaraan Goobaha ay ku sugan Yihiin al-shabaab

Dhanka kale waxaa saakay ciidamada militariga dowlada soomaaliya kuwa Dowlada itoobiya ay howlgalo Balaaran ka wadaan degmada wabxo oo ay al-shabaab shalay ka la wareegeen kadib dagaal dhacay

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here