Dhalinyaro ka Tirsan al-shabaab ayaa la aaminsan yahay in ay dib ugu soo laabteen Gudaha wadanka Kenya kadib markii ay Tababaro ay kusoo qaateen Gudaha wadanka Soomaliya
Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka dalka Kenya ayaa diiwaan Galiyay Tiro dhalinyaro ah oo dhawaan ku Biiray al-shabaab kuwasoo Tababaro kusoo qaatay xarumo al-shabaab ay ku leeyihiin qaar kamid ah Gobolada dalka soomaliya
Warbixin ka Koobneed ilaa 36-Bage ayaa lagu sheegay in dhalinyarada dib ugu soo laabtay dalka Kenya ee ka Tirsan al-shabaab in da’dooda ay u dhaxeeyso 24 ilaa 34sanojir waxayna sanado ka Hor ay ku biireen al-shabaab
Sidoo kale Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka ayaa Tilmaamay in dhalinyarada dib ugu soo laabatay dalka Kenya ay badankooda Yihiin kuwa u shaqeysta Naftooda taasi ay keeni karto in falal aminiga lidi ku ah in ay ka sameeyaan Gudaha wadanka Kenya
Al-shabaab ayaa marar badan weerar ku qaaday Gudaha wadanka Kenya iyadoona dowlada Kenya ay Horey u sheegtay ay dhalinyarada kenyaatiga ah ay xili walba ku biiraan Xarakada al-shabaab ayna dib ugu soo laabtaan dalka Kenya

