Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Gaas ayaa soo Gaaray Gudaha Magaalada Muqdisho si uu ka qeyb Galo Shirka Madasha doorashada sanadka 2016-ka
Wafdiga Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Madax ka Tirsan dowlada soomaliya iyo saraakiil ciidan
Madaxweynaha Maamulka Puntland Markuu soo Gaaray Magaalada Muqdisho Mar uu saxaafada kula Hadlay garoonka diyaaradaha ayuu sheegay in u jeedka uu u Yimid Magaalada Muqdisho ay tahay siduu kaga qeyb Gali lahaa Shirka Madasha doorashada sanadka 2016-ka
Sidoo Kale Waxaa Magaalada Muqdisho Ee Xarunta Dalka soomaliya Soo gaaray Madaxweynaha Maamulka Jubba-land Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo wafdi uu Hogaaminaayo
Madaxweynaha Maamulka Juba-land Axmed maxamed Islaam axmed Madoobe ayaa Muqdisho u yimid Siduu kaga qeyb Gali Lahaa Shirka Shirka Madasha doorashada sanadka 2016-ka oo Maalinta Bari ah ka furmaya Magaalada Muqdisho
Shirka Loogu Arinsanaayo Qaabka ay Noqoneyso Doorashadda Dalka ka dhaceysa Sanadka soo Socda Ee 2016 Ayaa la Filayaa in Maalinta Bari ah uu ka Furmo Magaalada Muqdisho caasimada soomaliya






