Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku Guuleystay in ay qaadaan biro yaalay agagaarka Hoteel Jaziira ee Magaalada Muqdisho kuwaasoo la sheegay in amniga lagu xaqiijinaayo
Mas’uuliyiin ka socday Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta gaaray Hoteel Jaziira ee Magaalada Muqdisho Halkaas oo dhawan lagu jaray Biro loogu Talagalay sida la sheegay in loogu Hortago in weeraro lagu soo qaado Hoteel jaziira ee Magaalada Muqdisho oo dhawaan la weeraray
Afahayeenka Maamulka gobolka c/fitaax cumar Halane ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir laga Hor istaagay in ay qaadaan Birihii Yaalay afafka Hore ee Hoteel Jaziira ee Magaalada Muqdisho wuxuuna sheegay in Maamulka sare ee Hoteel Jaziira ay u sheegeen in warqada ay ka Haystaan wasiir amniga Gudaha dowlada C/risaaq Cumar Maxamed
C/fitaax cumar Halane ayaa sidoo kale sheegay in Ugu dambeyn ay ku guuleysteen in ay qaadaan Birihii yaala afafka Hore ee Hoteel Jaziira ee Magaalada Muqdisho
Sanadkaan Gudihii ayay aheyd Markii Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu qarxiyay Hoteel Jaziira ee Magaalada Muqdisho waxaa Halkaas ku dhintay Madax caalami ah iyo dad shacab ahaa oo xiligaas ku sugnaa Hoteelka
Qaar kamid Hoteelada Magaalada Muqdisho waxaa lagu Jaray Biro iyo dhagaxyo la sheegay in looogu Hortagaayo Falalka weerarada ah
Halkaan ka daawo sawirada





