Macalinka kooxda Manchester United Louis van Gaal ayaa aaminsan in xidiga Luke Shaw uu fursad u heli Karo in uu ciyaaro ciyaaraha Uero 2016 oo lagu qaban doono dalka france
Xidiga heerka caalami ee xulka dalka England ayaa ka Jabay lugta midig labo qeyb kamid waxaa la sheegay in uu seegi doono Garoomada mudo 6-bilood oo xili ciyaareedkaan ah
Luke Shaw ayaa ku dhaawacmay kulankii ay Guuldarada ay kala kulmeen kooxda dalka Holland ee PSV Bishii aynu soo dhaafnay ciyaaraha Champions League
Kulankii ay shalay ka adkaadeen kooxda evertoon ayuu sheegay macalin Luis Van Gaal in xidiga Luke Shaw uu bilaabay in uu socod sameeyo xiliyada uu joogo xirada Tababarka ee kooxda Manchester United


