Wararka ka imaaanaya deeganada Maamulka Puntland uu ka arimiyo ayaa sheegaya in ciidamada amaanka Maamulkaas ay gacanta ku soo dhigeen ilaa 6-Doomood oo la sheegay in si sharci daro ah ugu Kaluumaysanayeen xeebaha deeganada Maamulka Puntland
Taliyaha Ciidanka Badda Maamulka Puntland Admiraal Cabdirisaaq Diiriye Faarax ,ayaa Saxaafadda uso Bandhigay Doonyaha ay soo qabteen iyo shaqaalaha saaran oo tiradoodu ay kor u dhaafayso ilaa Boqol qof.
Wadarta doonyaha Kalluumaysiga sharci darada ah waday ee ay qabteen Ciidanka Puntland bilihii ugu dambeeyay ayaa gaaraya Sagaal waxaana hawlgalku uu kuso beegmaya xilli Ciidanka badda Puntland ay shan sano jirsadeen.
Si kastaba ha ahatee arrimahan ayaa kuso beegamaya xilli Madaxweynaha Maamulka Puntland uu horay u sheegay in Kalluumaysiga sharci darada ah uu yahay Masiibo Qaran
Halkaan ka Daawo Sawirada



















