Dowlada wadanka Marekanka ayaa sheegtay in ay sii kordhin doonto weerarada dhanka cirka ah ee lagu qaadayo goobaha ay ku sugan Yihiin al-shabaab iyo al-qaacida ee dalalka soomaliya iyo Afghanistan
War kasoo baxay Marekanka ayaa lagu sheegay in la sii kordhin doono weerarada ay fulinayaan diyaaradaha Drones-ka kuwasoo marar badan weeraro dhanka cirka ah ka Fuliyay wadamo ay kamid Yihiin Afghanistan iyo Somali oo ay ku sugan al-shabaab iyo al-qaacida
Sidoo kale warka soo baxay Marakenka ayaa lagu sheegay in wadamada duqeynta laga Fulinaayo lagu soo dari doono wadanka Syria oo kamid ah wadamada ay ku sugan yihiin ururka daacisha oo al-qaacida lala xiriiriyo
Amarka duqeyn Kordhinta ayaa la sheegay in uu kasoo baxay Madaxweynaha wadanka Marekanka Brack Obama
Marekanka ayaa Tilmaamay in duqeymihii la fuliyay sanadihii dambe in lagu dilay Hogaamiyaal sar sare oo ka Tirsan al-shabaab iyo al-qaacida uuna kamid yahay Hogaamiyahii al-shabaab Axmed Cabdi Godane

