Dibad bax ka dhan ah Maamulka jubbaland ayaa saakay qaban-qaabadiisa waxaa laga dareemayaa gudaha Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo
Qof kamid ah dadka deeganka ayaa radio simba ee Magaalada Muqdisho u sheegay in saakay la filayo in Gudaha Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ay ka dhacaan Dibad baxyo ka dhan ah Maamulka jubbaland uu Hogaamiyo axmed Maxamed islaam axmed Madoobe Madaxweynaha Maamulka Juba-land
Sidoo kale waxa uu sheegay shaqsiga kamid ah dadka deeganka in dadka deeganka ay ka cabanayaan siduu u dhaqmayo Maamulka Juba-land uu Hogaamiyo axmed Madoobe isagoona ku Tilmaamay Hogaamiyaha Maamulka Juba-land mid kaligii Taliye ah waa siduu Hadalka u dhigay
Tan iyo Markii la dhisay Maamulka Gobolka Gedo ee juba-land Hoos Yimaada waxaa jiray Cabashooyin ka imaanayay dadka deeganka ee daga qeybo kamid ah Gobolka Gedo

