Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas oo kulan kula Leh Magaalada Garoowe Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliyeed

0

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaliyeed Maxamed sheikh Xasan xaamud ayaa Maanta la filayaa in uu Magaalada Garoowe kula Kulmo Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed cali Gaas

Warar ka imaaanaya Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka puntland ayaa sheegaya in uu jiro kulan saacadaha soo socda dhaxmari doono Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo Taliyaha ciidanka Booliska Soomaliyeed Maxamed sheikh xasan xaamud oo mudooyinkii dambe ku sugnaa deegaano hoos Yimaada Maamulka Puntland

Taliyaha Ciidanka Booliska soomaliyeed Maxamed sheikh xasan xaamud ayaa Maalmihii dambe ku sugnaa deeganada Maamulka Puntland isagoona kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada kala duban ee Maamulkaas wuxuuna kala hadlay sidii loo Tayeen lahaa ciidamada Booliska soomaliyeed iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka ka jira xiligaan

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here