Maamulka koofur galbeed soomaliya ayaa sheegay in magdhaw ay siinayaan shakhsiyaadka ay Hantidooda waxyeelaysay Diyaaradii dhawaan kusoo dhacday deeganka Carbiska ee Duleedka Magaalada Muqdisho
Afahayeenka Maamulka koofur galbeed Maxamed shiino ayaa idaacada simba u sheegay in Maamulka koofur galbeed soomaliya uu bixin doono wixii Hanti ahaa ay Burburisay diyaaradii dhawaan kusoo dhacay deegankaas
Waxaa soo Baxaya warar ku aadan in diyaaradii dhawaan kusoo dhacday deeganka Carbiska ay Baabi’isay Hanti ay lahaayeen ganacsato soomaliyeed wallow maamulka Koonfur Galbeed soomaliya uu sheegay in ay bixin doonaan wixii qasaaro ah ay dhalisay diyaarada

