Wararka saakay ka imaanaya magaalada Boorama ee Gobolka awdal ayaa sheegaya in saakay mar kale ay taagan tahay xiisad u dhaxeysa ciidamada amaanka Maamulka Somali-land iyo dadka deeganka ku nool
Wariyaha radio simba ee Magaalada Hargeysa al-cadaala ayaa soo sheegaya in saakay ay mar kale xiisad u dhaxeysa dadka deeganka iyo ciidamada amaanka in laga dareemayo Magaalada Boorama ee Gobolka awdal
Dadka ayaa ka Careysan intooda badan ciidamo ka Tirsan kuwa Maamulka Somali-land oo Rasaas ku furey dad shacab ahaa oo ku sugnaa Garoonka ciyaaraha Magaalada Boorama taasi oo keentay dhimashada dad ku sugnaa xiligaas Garoonka
Sidoo kale shalay Rabashado ka dhacay Magaalada Boorama ayaa sababay in la gubo guriga Taliyaha ciidamada Booliska Maamulka Gobolka awdal wallow ay soomali-land ay sheegtay in gacanta lagu soo dhigi doono dadkii ka dambeeyay Gubida Guriga Taliyaha Booliska Gobolka awdal

