Guddoomiyaha maxkamadda darajada Koobaad ee ciidamada qalabka sida G/ Dhaxe Xasan Cali Nuur Shuute oo saxaafada la Hadlay ayaa beeniyay wararka ku aadan in maxkadama ciidamada qalabka sida ay fulisay intey dhisneed xukuno shacbiyadeed
G/ Dhaxe Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha maxkamadda darajada Koobaad ee ciidamada qalabka sid ayaa sheegay in Maxkamada ay fuliso xukuno sharci ah ayna lamid tahay Hey’adaha garsoorka ee dowladda ee dalka Ka jira
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowlada soomaliya ayaa Fulisay sanadihii dambe xukuno lagu ridey dad shacab ah iyo ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya oo lagu eedeeyay in ay dilal ka geysteen Gudaha dalka

