Sawiro: Maalinta Calanka Soomaliyeed ee 12-october oo Maanta Laga Xusay Magaalada Muqdisho ee Casimada Soomaliya

0

Munaasabado waa weyn ayaa Maanta Lagu qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimada soomaliya kuwasoo lagu xusaayay Maalinta  calanka soomaliyeed oo maanta ku beegan

Madaxweynaha Jamuuriyada Soomaliyaha, Ra’isul wasaaraha dalka, gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya, xubno ka tirsan labada gole ee dowlada Soomaliya, SaraakiIsha Ciidamada qalabka sida, gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho, Fanaanin, iyo dad shacab ayaa maanta kasoo qeyb galay xaflad lagu qabtay aqalka dowlada Hoose ee Gobolka Banaadir

Madaxdii goobta ka Hadashay waxaa kamid ahaa wasiirka warfaafinta dowlada soomaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye isagoona sheegay in maanta ay tahay Maalin ku weyn dhamaan Umada soomaliyeed meel walba ay dunida ka Joogaan

Raisul-wasaaraha soomaliya cumar C/rashiid cali sharmarke oo goobta ka Hadlay ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin dhamaan umada soomaliyeed ku weyn calanka  waxa uu ku Tilmaamay in uusan aheyn mid kaliyah loo sameeyay Jamhuuriyada soomaliya laakin sidoo kale uu yahay mid ka dhaxeeya dhamaan umada soomaliyeed

Munaasabada waxaa sidoo kale ka Hadlay Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan (Jawaari) isagoona dhamaan Umada soomaliyeed ugu baaqay in la isku baraarujiyo muhiimada uu leeyahay calanka soomaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan sheekh Maxamud oo munaasabada soo xiray waxa uu umada Soomaaliyed u sheegay in aysan waxba ka jirin hadalada dhawaan lagu daabacayay qaar kamid ah baraha internedka oo lagu sheegayay in astaamaha calanka  wax laga bedalay.

Halkaan ka daawo sawirada Munaasabada 12-October

IB0A0582 IB0A0593 IB0A0638 (1) IB0A0638 IB0A0649 (1) IB0A0649 IB0A0651 IB0A0673 IB0A0686 IB0A0697 IB0A0699 IB0A0706 IB0A0711 IB0A0712 IB0A0715 IB0A0716 IB0A0726 IB0A0736 IB0A0747 IB0A0794 IB0A0815 IB0A0816 IB0A0822 IB0A0831 IB0A0844 IB0A0853 IB0A0854 IB0A0857 IB0A0865 IB0A0876 IB0A0886 IB0A06491

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here