Dowlada Wadanka Ingiriiska ayaa ku eedeeysay dowlada wadanka Kenya in ay ka Gaabisay in cadaalada la horkeeno dadkii ka dambeeyay af-duub loo geystay dad u dhashay wadanka Ingiriiska
Warqado cadeemo ah oo ay soo saartay dowlada wadanka Ingiriiska ay ku sheegay in dowlada wadanka Kenya aysan waxba ka qabanin af-duubyo loo geystay Muwaadiniin u dhashay wadanka ingiriiska oo sanadihii lasoo dhaaafay lagu af-duubtay Gudaha wadanka Kenya
Sidoo kale dowlada wadanka Ingiriiska ayaa sheegtay in af-duubka loo geystay dadka u dhashay wadanka ingiriiska in uu ka dambeeyay Hogaamiye ka Tirsan al-shabaab oo lagu magacaabo Kahale Famau Kahale
Sanadkii 2011 September ayay aheyd Markii muwaadiniin u dhashay wadanka ingiriiska oo lagu kala Magacaabo David Tebbutt iyo Judith Tebbutt.” lagu af-duubtay gudaha wadanka Kenya Wallow markii dambe la Dilay ninka la yiraahdo David Tebbutt oo qabay Judith Tebbutt.”
Marar badan waxaa ka dhacay Gudaha deeganka Lamu ee dalka Kenya weeraro al-shabaab ay ku qaadeen deegankaas wallow dowlada wadanka Ingiriiska ay Muwaadiniinteeda ay kaga digtay in ay u safraan gudaha wadanka Kenya

