Maamulka Gooni Isu-Taaga Soomali-land oo ka Hadlay Hadal kasoo Yeeray Dowlada Soomaliya

0

Maamulka Somali-land ayaa ka Hadlay Hadal kasoo yeeray dowlada soomaliya oo ku aadanaa in dib ay u bilaawan doonaan Wadahaladii u dhaxeeyay Maamulka soomaliland iyo dowlada dhexe ee soomaliya

Wasiir ku xi-geenka wasaaradda arimaha dibada iyo iskaashiga Caalamiga ee Maamulka Somali-land Axmed aadan ismaaciil axmed Keyse ayaa ku Tilmaamay Hadalkii kasoo yeeray Dowlada dhexe ee soomaliya mid aan waxba ka jirin

Sidoo kale waxa uu sheegay  Axmed aadan ismaaciil axmed Keyse  in hadalkii kasoo yeeray Raisulwasaare ku xigeenka  dowlada soomaliya Maxamed cumar Carte   ee ku aadanaa in dib ay u bilaawan  doonaan wadahaladii u dhaxeeyay Maamulka soomali-land iyo dowlada dhexe ee soomaliya

Axmed aadan ismaaciil axmed Keyse Wasiir ku xi-geenka wasaaradda arimaha dibada iyo iskaashiga Caalamiga ee Maamulka Somali-land waxa uu sidoo kale sheegay in Mowqifka Maamulka soomali-land uu yahay mid cad

Marar badan waxaa Hakad ku Yimid wadahadalo u dhaxeeyay dowlada dhexe ee soomaliya iyo Maamulka Somali-land  kuwasoo ka dhacay wadanka Turky-ga

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here