Dowlada Kenya ayaa sheegtay in wiil 14 sano jir aha ay kasoo furatay Al-shabab kadib howl-galo ay ka sameeyeen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Wiilka ay soo furteen ciidanka kenyaa ayaa ka mid ahaa ardayda wax kabarata magaalada Nairobi waxaana uu dhiganayey fasal 8aad ee wax barashada aasaasigaa.
Afhayeen la hadlay wargeyska dailynation ee dalka Kenya ayaa sheegay in wiilkaan ay ciidanka booliska soo qabteen ay alshabab ka qorteen magaalada Nairobi isaga oo kusugan goobtiisa wax barasho.
Afhayeenka ayaa intaasi kudaray in waalidka iyo macalimiinta ay wiilka uga shaki qabeen in uu aaday soomaaliya kuna biiray alshabab waxaana hooyadiis ay sheegtay in ay aad uga naxday markii loo sheegay wiilkeeda in uu ku biiray alshabab.
Macalimiinta iskuulka ayaa sheegay in bisha December ee soosocota uu u fariisan lahaa wiilka 14 sano jirka ah ee alshabab laga soo furtay imtixaanka kama dambeesta ee waxbarashada aasaasiga ah.

