Ciidamo ka Tirsan Kuwa Ethopia oo Qarax lagu eegtay Qeybo kamid ah Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaliya

0

Ciidamo ka Tirsan kuwa Ethopia ayaa  qarax  Lagu eegtay qeybo kamid ah deeganka Buundhoobo ee Gobolka Gedo sida ay inoo sheegeen dad ku sugan deegankaas

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay Buundada degmadaasi oo xiligaas ay ku sugnaayeen ciidamo ka Tirsan  kuwa Ethopia ee qeybta ka ah  Howlgalka midowga Africa ee amisom

Qaraxa ayaa la sheegay in inta badan laga Maqlay gudaha Gobolka Gedo waxaa haatan la sheegayaa in xaalada ay tahay mid dagan meesha qaraxa uu ka dhacayna ay ku sugan Yihiin ciidamada dowlada Ethopia

Dhanka kale al-shabaab ayaa sheegay in ay ku dileen qaraxii ka dhacay  Buundada degmada Buundhoobo ee Gobolka Gedo  ciidamo ka Tirsan kuwa Ethopia wallow aysan sheegin Tirada Rasmiga ah ay ku dileen qaraxaas

Sidoo kale al-shabaab  ayaa xaqiijiyay in qaraxa kadib goobta ay soo caga dhigteen labo diyaaradood oo nooca Elecobtar-ka ah kuwaasi oo goobta ka qaaday dhimashada iyo dhaawaca askar Itoobiyaan ah uu qasaaro uu kasoo Gaaray qaraxa waa sida ay sheegeen  al-shabaab

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here