David Silva oo la Xaqiijiyay in uu Garoomada ka Maqnaan doono mudo Bil ah

0

Kooxda Manchester City ayaa heshay war ku aadan dhaawac xidiga reer Spain David Silva kasoo la xaqiijiyay in mudo Bil ah uu garoomada ka Maqnaan doono

29-jirkaa ayaa ku dhaawacmay kulan xulka dalka Spain ay ka adkaadeen xulka dalka Luxembourg ciyaaraha isreebreebka Uero 2016 oo xalay la ciyaaray

Silva ayaa dareemay xanuun aad u daran kadib markii ay isku dhaceen xidiga xulka dalka Luxembourg Lars Krogh Gerson xili ay saacada marayesay 14-daqiiqo

Wallow uu xulka dalka Spain uu xaqiiqsaday usoo bixitaanka ciyaarayah Uero 2016 laakin waxaa soo gaaray arimo dhib ku noqon kara xulkaas oo ku aadan dhaawacyada ay xiligaan soo gaaray

Kooxda Manchester  City ayaa sidoo kale dhawaan heshay war ku aadan dhaawaca xidiga heerka caalami ee xulka dalka Argentine ee Sergio Aguero

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here