War Deg Deg ah: Mid kamid ah Macalimiinta Wax ka dhigta Jamaacada (SIU) oo Lagu Diley Degmada Wadajir

0

Wararka naga soo Gaaraya degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya n gudaha Degmadaas goor dhaweyd Lagu diley mid kamid ah Macalimiinta wax ka dhigta Jaamacada (SIU) ee magaalada Muqdisho

Qof goob-jooge ah oo ku sugan degmada wadajir ayaa Radio simba u sheegay in macalinka ka Tirsanaa jaamacada SIU in lagu diley meel u dhow suuqa weyn ee degmada wadajir waxa dilkiisa ka dambeeyay kooxo hubeysan  oo Bastoolada wata

Ninka la diley ayaa magaciisa lagu  C/qaadir Maxamud Yabarow waxaa haatan la sheegayaa in Meydkiisa Goobta laga qaaday

Goobta uu dilka ka dhacay waxaa soo Gaaray ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya iyo kuwa  Maamulka degmada Wadajir waxayna Halkaas ka sameeyeen Howlgalo baaritaano si losoo qabto Ragii ka dambeeyay dilka Macalinka

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here