Ciyaaryahanka kooxda Liverpool Philippe Coutinho ayaa laga saaray xulka dalka Brazil ciyaarayaha isreebreebka Koobka aduunka ee dalka Brazil iyadoona Badalkiisa loogu yeeray laacibkii Hore ee kooxda Real Madrid iyo AC Milan Kaka
Macalinka xulka dalka Brazil Dunga ayaa sheegay in laacibkiisa kooxda Liverpool Philippe Coutinho in uu ku dhaawacmay kulankii shalay ee dhaxmaray kooxaha Liverpool iyo Evertoon
Xiriirka dalka Brazil ee Brazil’s football association (CBF) ayaa xaqiijiyay in uu dhaawacmay laacibka xulka dalka Brazil Philippe Coutinho Taasi Badalkeedana xulkaas loogu yeeray xidiga Kaka

