Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu Hogaaminaayo ayaa goor dhaweyd ka amba-baxay Magaalada Garoowe iyagoona ku wajahan Magaalada Nairobia ee xarunta dalka Kenya
Wafdiga Madaxweynaha Maamulka Puntland waxaa kamid ah xubno ka Tirsan Golaha wasiirada Maamulka Puntland iyo xubno kale oo kamid ah Maamul Goboleedka soomaliyeed Puntland
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa la sheegay in uu la kulmi doono Madaxda Bangiga Adduunka Africa u qaabilsan, oo ay ka wada hadli doonaan Bangiga adduunka oo oggolaaday inuu bixiyo Mushaarka Shaqaalaha rayidka ah ee Maamulka Puntland.

