Maamulka Somali-land ayaa xabsiga kasii daayay afar Fanaaniin oo kamid ah xidigaha Geeska Africa oo dhawaan lagu Xiray Magaalada Hargeysa ee caasimada Maamulka Somaliland
Mid kamid ah wariyaasha ku sugan Magaalada Hargeysa ee caasimada Somali-land ayaa Radio simba u sheegay in duhurnimadii Maanta xabsiga laga sii daayay 4-kamid ah Fanaaniinta Xidigaha geeska oo maalmo ku xirnaa xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa
Fanaaniinta la xiray ayaa kala ahaa Nimcaan Hilaac. C/raxmaan Odey. Xamdi queen. iyo Maxamed Ciro Bakaal waxayna Maamulka soomali-land ay sheegeen in ay Fanaaniintaan ku Xadgudbeen sharcigii u yaalay Maamulkaas
Fanaaniinta xabsiga Maanta laga sii daayay ayaa dhawaan Bandhig Fanaaneed ku soo Bandhig Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya markii ay dib ugu Laabteen Magaalada Hargeysa waxaa lagu qabtay Garoonka cilaal Air Port ee Magaalada Hargeysa

