spot_img

Xaalad Nolol Xumo oo Laga Soo Sheegayo Degmada Mahaddaay

Degmada Mahaddaay oo ka mid ah Degmooyinka Gobalka Shabeellada Dhexe ayaa waxaa laga soo sheegayaan in halkaasi ay ka dillaaceen Cudurro kala duwan oo ka dhashay fatahaaddii uu sameeyay wabiga Shabeelle.

Saalax Fuleel Xaaji  Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada Degmada Mahaddaay ayaa sheegay in uu degmada iyo degmooyin kalaba ay ka dillaaceen cudurro, waxaana uu sheegay in ay jirto xaalad nolol xumo oo uu sababay fatahaaddii waboga shabeelle.

“Degmada xaaladeeda hadaan kaaga sheekeeyo, runtii biyaha weli waxa ay ku dhex jiraan xaafadaha degmada iyo tuulooyinka hoosyimaada, cuduro kala duwan ayaana ka dhashay oo ay ugu horeyso Nafaqi darro iyo Malaria, mana jirto wax gumad ah oo naga soo gaaray dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo tan Federaalka.” Ayuu yiri Saalax.

Hadal kaan ka soo yeeray  Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada Degmada Mahaddaay ayaa imaanaya iyadoo ay muuqdaan dhibaatooyinkii ka dhashay fatahaadihii uu sameeyay wabiga shabeelle, waxaana jira shacab la daala dhacay dhibaatooyinkii ka soo gaaray fatahaadihii wabiga oo u baahan In wax loo qabto

Related Post

Wararka