spot_img

War Deg Deg:-Qarax Goordhaweyd ka dhacay Muqdsiho

Qarax ayaa goordhaweyd ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Jugta qaraxaan oo laga maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka banaadir ayaa ka dhacay Koontarool Ciidamada ay ku leeyihiin agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon, halkaasi oo gaadiidka lagu baaro.

Goobjooge ayaa idaacadda Simba u sheegay in qaraxa loo adeegsaday gaari Nooca Soomaalida u taqaano NOHA islamarkaana qaraxa kadib la maqlay rasaas fara badan.

ilaa haatan lama oga khasaraha ka dhashay qaraxaan ka dhacay Boondheere.

Wixii kusoo kordha kala soco Simbanews.com

Related Post

Wararka