Baadari Kenyaan ah oo Diinta Kiristaanimada Kawada Magaaladda Muqdisho

0

Baadari u dhashay Kenya ayaa la sheegay in shantii sano aynu soo dhaafnay faafinta diinta Kiristaanimada kawado Magaalada Muqdisho.

Ninkaan ayaa magaciisa rasmiga ah la qariyay waxaana loo bixiyay  John, wuxuuna muqdisho ku yimid markii hore Qandaraasle dhismaha,balse wuxuu bilaabay faafinta diinta Kiristaanimada.

Wargeyska wordandway.org oo warbixin ka qoray arintaan ayaa sheegay in uu u dhashay ninkaan Kenya,shan sano ka horna yimid Muqdisho,islamarkaana dadka Soomaalida ah aysan saaxiib la noqon dadka aan muslimka ahayn,haddii ay kugu ogaadaan in aadan Muslim aheyn ay adagtahay in ay kula saaxibaan.

Baadarigan ayaa sheegay mar uu la hadlayay wargeyska in ardeydiisa ay ka baqayaan in ay is cadeeyaan iyaga oo ka baqaya qoysaskooda, waxa uuna xusay marka ay fursad helaan in qol yar isugu tagaan ayna halkaasi ku heesaan kuna cibaadeestaan.

Kaniisaddii ugu dambeysay ee ku taalay dalka Soomaaliya gaar ahaa Hargeysa ayaa albaabada loo laabay bishii August ee Sanadkii 2017-kii,kadib amar kasoo baxay Maamulka Somali-land.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here