Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal saakay ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Dilalkaan ayaa ka dhacay Isgoyska Ex Kontorool Muqdisho,waxaana loo geystay Labo askari oo ka tirsanaaa Ciidamadda Dowldada Federaalka Soomaaliya.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal rag hubeysnaa ayaa toogtay labada askari oo kasoo baxay guri ku yaala Isgoyska Ex Kontorool,waxayna ka baxsadeen goobta.
Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya oo gaaray goobta ayaa qaaday meydkad labadda askari,waxaana socda baaritaano lagu baadigoobayo ragii ka dambeeyay.
Dhanka kale Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda dilalka labadda askari,sida warbaahintooda lagu baahiyay.

