Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ee (Afrikcom),ayaa sheegay in weerar xaga cirka ah ay maalintii shalay ahayd ka fuliyeen deegaanka Dheerow Sanle oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur dalka Soomaaliya.
Weerarkaan ayaa la sheegay in lagu dilay lix ka tirsan Al-Shabaab, waxayna intaa ku dareen inuusan jirin khasaare rayidka ka soo gaaray weerarka.
Mareykanka waxaa Somaliya ka jooga in ka badan 500 oo qof oo isugu jiro askar, shacab iyo qandaraasleyaal sida laga soo xiganayo taliska Mareykanka ee Africom.
Mareykanka ayaa Somalia ka fuliyey weeraro badan oo duqeymo ah isagoo la bartilmaameedsaday xarumo ay leeyihiin Al Shabab, sanadkii lasoo dhaafay ee 2018 waxa uu mareykanku Somalia ka sameeyey 47 weerar oo duqeymo ah, halka 35 duqeyn ay sameeyeen sanadkii 2017 sida laga soo xiganayo Africom.
Millitay-ga Mareykanka ayaa arbacadii lasoo dhaafay weerar ay ka fuliyeen agagaarka Dheerow Sanle ku dilay qiyaastii 10 dagaalame oo ka tirsan Al Shabab, halka 19-kii December ay labo weerar ay fuliyeen ay ku dileen 11 dagaalame.

