Dhamaan Maamulka iyo shaqaalaha idaacadda simba ee Magaalada Muqdisho waxay Tacsi u dirayaa dhamaan Ehelada iyo qaraabada uu ka geeriyooday Marxuum warsame Ruushaani oo kamid ahaa shaqaalihii Horey usoo maray xarunta warbaahinta simba (simba Media Center) sanadihii lasoo dhaafay.
Marxuun Warsame Ruushaani ayaa mudooyinkii dambe ku xanuusanayay gudaha Magaalada Muqdisho iyadoona la qorshenayay in loo qaado mid kamid ah wadamada caalamka si loogu soo daweeyo xanuunka soo wajahay.
Warsame Ruushaani ayaa sidoo kale kamid ah macalimiinta wax ka dhigta qaar kamid ah iskuulada Magaalada Muqdisho isagoona sanadyadii ugu dambeeyay barre ka ahaa iskuulada ku Yaala Magaalada Muqdisho,
Inaa-Lilaah-Wa-Inaa-Ilaahi-Raajicuun ma dhinte waa alaah,

