Magaalada Jowhar ee Gobolka shabeelaha dhexe wali waxaa ku qul-qulaya madax dowlada soomaliya ka Tirsan, siyaasiyiin ka qeyb galaysa shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe oo dhawaan Furmaya,
Amaanka Magaalada Jowhar ee Gobolka shabeelaha dhexe ayaad aad loo adkeeyay waxaana Magaalada Lagu arkayaa ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya oo sugaya amaanka Magaalada iyo goobaha laga soo galo magaalada,
Madaxda Magaalada Jowhar gaaray waxaa kamid ah Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mahad Salaad, Wasiiru dowlaha Maaliyada Cabdullaahi Maxamed Nuur oo labadaba ka mid ahaa saxiixayaashii Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waxayna Kulamo saacadaha soo socdo ay la qaadan doonaan Madaxda Gobolka shabeelaha dhexe iyo Ergooyinka ku sugan Magaalada Jowhar,

