Golaha Amaanka Qaramadda Midoobay oo Ka Hadlay Arrimo Xaasaasi ah Kadib Ceyrinti Haysom

0

Kulan ay albaabadda u xirnanaayeen oo ay yeesheen golaha ammaanka ee QM ayey ku sheegeen in ay xoojinanayaan taageerada ay siinayaan Somalia kadib ceyrintii Nicholas Haysom oo 1-dii bishan January ay dowladda Somalia ku amartay inuu isaga baxo dalka Somalia.

China-ha oo kamid ah dowdladaha isticmaala awoodda qayaxan ee FETO-ga ayaa kasoo horjeesatay qaraar Britain ay ka diyaarisay Somalia kaas oo sheegayey in baaritaan lagu sameeyo sabibihii dhaliyey ceyrintii Nicholas Haysom.

Golaha ammaanka ee QM ayaa sheegay in Somalia uu sanadkan 2019 u noqon doono mid xasaasi ah, waxa ayna madaxda Somalia ugu baaqeen inay si wadajir ah uga shaqeeyan arrimaha siyaasadda iyo amniga.

Jimcihii afhayeen u hadlay Antonio Guterres ayaa sheegay in QM ay ka xun tahay hanaankii ay dowladda Somalia u martay ceyrinta Nicholas Haysom oo ahaa wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Somalia.

Guterres ayaa labo jeer qadka talefanka kula hadlay madaxweynaha Somalia Mohamed Abdullahi Mohamed isagoo ku boorinaya in dowladdiisa ay ka laabato ceyrintii Haysom balse madaxweynuhu waa uu ka biyo diiday waxa uuna sheegay in Somalia aan mar kale dib loogu soo dhaweyn doonin Nicholas Haysom.

Haysom oo shaqadiisa Somalia ee wakiilnimada bilaabay bishii October ee sanadkii hore ayaa mar uu ka hadlayey kulankii golaha ammaanka ka sheegay in Somalia ay qatar ugu jirto Khilaaf dhanka siyaasadda ah oo ka dhalan kara doorashooyinka dowladd goboleedyada.

Sidoo kale xarigii Shiikh Muktar Roobow Cali (Abuu Mansuur), ayuu ku sheegay inuu niyad jab ku yahay xubnaha kale ee ka tirsan Xarakadda Al-Shabaab islamarkaana doonayey inay dowladda Somalia kusoo biiraan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here