Dab khasaare ayaa goordhaweyd ka kacay guri ku yaala Isgoyska Baar Ubax Degmadda Holwadaag ee Gobolka Banaadir.
Sida uu inoo xaqiijiyay mid kamid ah Eheladda guriga, dabka oo kacay goordhaweyd ayaa ku faafay qeybo badan oo guri kamid ah
Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in dabka uu ka dhashay Koronto.
Waxaana haatan goobta gaaray Gaadiidka Dab damiska Dowladda Hoose,waxaana socda dadaalo ku aadan sidii loo damin lahaa dabka.






