War Deg Deg:-Wiil Dhalinyaro ahaa oo Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

0

Kooxo hubeysnaa ayaa caawa waxa ay dil ka geysteen Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Xoosh Degmadda Dharkinley ee Gobolka Banaadir,waxaana loo geystay wiil dhalinyaro ahaa.

Sida uu inoo xaqiijiyay mid kamid ah dadka deegaanka, kooxo bastoolado ku hubeysnaa ayaa fuliyay dilka wiilka dhalinyaradda ahaa oo ilaa haatan aan la ogaanin magaciisa iyo waxa uu ahaa.

Goob-joogaha ayaa sidoo kale sheegay In kooxaha hubeysnaa ay dhowr xabadood ku dhufteen islamarkaana ay goobta baxsadeen.

Goobta uu dilka ka dhacay waxaa gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana socda baaritaano lagu baadigoobayo ragii ka dambeeyay dilkaan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here