Ciidamada Dowladda Oo Dil Bareer Ah Ugeystay Marxuum Cumar Cali Cumar+Dhageyso

0

Ciidanka Dowladda ayaa maanta ruux Shacab ah ku dilay Magaalada Marko ee Xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose sida Idaacada Simba ay u Xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta Maamulka Magaaladaasi.

Ciidanka Guutada 12-April ee Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa si bareer ah u toogtay Marxuum Cumar Cali Cumar Beeyskay oo ka mid ahaa gaadiidleyda Magaalada Marko, kaasi oo si ulakac ah ay rasaas ugu fureen,xili uu ku guda jiray howl-maalmeedkiisa.

Gudoomiyaha Magaalada Marko Xasan Cumar Macalin oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Taliska Militariga ee ka howlgala Magalaadaasi ku eedeeyey inay dileen Marxuum Beeyskay ka dib muran ka dhashay lacag baad ah oo ay weydiisteen.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay falalka Ciidanka Militariga ee Dowladda Soomaaliya ay ka geysanayaan Marko, kuwaasi oo uu tilmaamay inay Xoog kula Wareegeen Howlihii Maamulka Marko.

Dhageyso Gudoomiyaha Marko oo awoodii laga la Wareegay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here